“Waxaa ceeb ah in hal beel sheegato kursiga ugu sareeya Hirshabelle ”

1692

Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Maamul Goboleedka Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo xusay in ay tahay in dhammaan beelaha dega Hirshabelle ay u wada tartamaan shanta kursi ee ugu sareysa Hirshabelle.

Shir jaraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ku tilmaamay mid aan suurtogal ahayn in hal beel ay sheegato inay xaq u leedahay xilka ugu sareeya dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Waxaa wax lala yaabo ah beelaha degana ceeb ku ah in hal beel sheegato in ay leedahay kursiga ugu sareeya Hirshabelle ayna aaminsan tahay in loogaga bedeshay magaalo madaxda.”

Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa soo jeediyay in guud ahaan beelaha dega Hirshabelle ay u tartamaan shanta xil ee ugu sareeya.

“Waxaan soo jeedinayaa in sharciga iyo dastuurka la raaco oo aan cidna loo gaar yeelin kursi ayna dhammaan beelaha dega Hirshabelle u tartamaan kuraasta ugu sareysa baarlamaanka.”ayuu yiri Sheekh Abuukar Xasan Cali wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle.
Dhowaan ayaa waxaa soo baxayay khilaaf ku saabsan cidda isku soo sharaxaysa xilka

Madaxweynaha Hirshabelle,waxaana uu Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble sheegay in beel kaliya oo degta gobolka Hiiraan ay xaq u leedahay kursiga Madaxweynaha Hirshabelle.