Waxaa lajooga xiligii ay Soomaalidu Madaxweyne ka noqdon lahayd Kenya

13

Madaxa ururka shaqaalaha Kenya ee loo yaqaan COTU, Francis Atwoli, oo in kabadan 20sano ku jira Siyaasadda dalka Kenya ayaa sheegay in la joogo xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen. 

  

Siyaasigaan Atwoli ayaa u muuqday mid uu ku muujinayay in isbeddel loo baahan yahay si looga tago halka la joogo, wuxuuna tusaale u soo qaatay booqasho uu ku tagay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi iyo wixii uu ku soo arkay. 

  

  

“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo bulshada Soomaalida ee xaafadda Islii, markii iigu horreysay shalay ayaan booqday Islii. Marka aad joogto Islii, gaar ahaan suuqa laga adeegto ilaa markaad horay u yara socoto, waxaad mooddaa in aad joogto magaalada Qaahira ee dalka Masar,” ayuu yiri Atwoli oo intaas ku daray in loo baahan yahay Isbeddel. 

  

“Somaalida isbaddel haku sameeyaan magaalada Nairobi haddii aadan adinka awoodin, hana ooyina sababtoo ah waxaad rabtaan in xafiiska lacag la idinkugu keeno oo lacag la idinku soo tuuro” ayuu yiri Siyaasi Atwoli. 

  

Waxa uu ugu baaqay Soomaalida inay  hormariyaan magaalada Caasimadda ah ee  Nairobi, mustaqbalkana madaxweyne ay yeelan doonaan.