Mustafe Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka Ukrain ayaa ka sheekeeyay dhibaatadii uu kala kulmay in uu magangalyo ka helo dalka Poland kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Mustafe ayaa kamid ahaa kumanaan Afrikaan ah, oo u badan arday, kuwaas oo naftooda kala cararay colaada Ukrain, kadib markii uu Ruushku duulaan ku qaaday dalkaas asbuucii hore.
Warbaahinta Aljazeera ayaa wareysatay Mustafa Maxamed oo 31 jira, ahna madaxa iyo xiriiriyaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ukrain, kadib markii uu ku guuleystay inuu gaaro xarun lagu qaabilo oo ku taal magaalada Przemysl ee dalka Poland, taasoo ah meesha ugu dhow ee laga gudbo xuduudka u dhaxeeya Poland iyo Ukraine.
Halkaan ka akhriso sheekada Mustafe.
“Waxaan ku noolaa Ukraine ku dhawaad 10 sano – waxaan halkaas u aaday inaan wax ka barto oo aan shahaadada maamulka dhaqaalaha ka soo qaato. Ka dib markii aan dhammeeyey waxbarashadii, waxaan go’aansaday inaan joogo oo aan shaqo helo. Waxaa jira bulsho Afrikaan ah oo sii kordheysa oo arday badan leh. Waxaan ku hadlaa luqadda dalka oo waxaan go’aansaday inaan noqdo sarkaal xiriiriya ardayda,”
“Waxaa jira arday badan oo Soomaali ah oo qaarkood ka yimid Soomaaliya iyo kuwo ka yimid dalalka reer galbeedka sida Mareykanka, UK, Sweden iyo Finland. Inta badan waxay bartaan caafimaadka. Kuwii watay Baasaboorka Reer Galbeedka waxaa ka saaray Safaaradahooda ka hor inta uusan dagaalku bilaaban. Kuweena baasaboorka Soomaaliga sita ayaa iska joognay, waayo meel aan aadno ayaan haysanin. Maalintii Khamiista, waannu isu nimid, waxaanan go’aansannay inaan baxno sababtoo ah ammaanku aad buu u xumaa.”
“Ma jirin tareenno, waxaana jiray dad badan oo isku dayayay inay raacaan basaska, Saraakiishu waxay mudnaan siiyeen dadka reer Yukreeniyaan. Dhammaan jinsiyadaha kale waxay heleen gaadiidka dadweynaha. Annagu haddaan nahay Soomaali, waxaan go’aansanay inaanan sugin sababtoo ah waxaa jira boqolaal kun oo Yukreeniyaan ah oo iyaguna isku dayaya inay ka baxaan si ay uga baxsadaan dagaalka.
“Waxa aanu ku guulaysanay in aanu kiraysano basas yar-yar si ay noo geeyaan xuduudka Poland. Waxay nagu soo dallaceen wax ka badan qiimihii caadiga ahaa.’
“Guud ahaan, waxaan ahayn 88 qof. Waxaan tagnay Jimcihii. Waxaan haweenka iyo kuwa aan ku hadli karin luqadda saarnay baska ugu horreeya sababo ammaan dartood, sababtoo ah haddii wax qaldamaan, ugu yaraan kuwa naga mid ah oo ku hadli kara Yukreeniyaan ayaa sii noolaan kara waqti dheer. Dabadeed intayadii kale ayaanu labadii bas ee kale dhex galnay, waxaanu u soo dhaqaaqnay dhinaca xuduudka.
“Ka gudbida soohdinta waxay ahayd mid dhib badan. Safar sida caadiga ah loogu talo galay safar lix saacadood ayaa nagu qaatay ku dhawaad laba maalmood. Waddada waxaa yaalay isbaarooyin ay inta badan dhigtaan laba askari. Ma aanan arag wax kolonyo ciidan ah.
Markii aan xadka u jirnay 50km (31 mayl) waxa joogsaday isu socodkii gaadiidka. Baabuurtu gabi ahaanba may dhaqaaqin. Waanu ka degnay. Waxaan arkay dad badan oo waayeel ah iyo carruur. Meel kasta oo aad eegto waxa ku sugnaa dad iyo gaadiid inta ay ishu arkayso
“Ilaalada xaadka waxay sii daynayeen 600 oo qof markiiba. Waxay u ogolanaayeen dumarka iyo carruurta Yukreeniyaanka ah marka hore, ka dibna ragga Yukreeniyaanka. Dadkoodu waxay ahaayeen mudnaanta koowaad, taas oo aan fahmi karo. Intayadii kale ayaan sugaynay waqtigeena. Tani waxay ka careysiisay dad badan oo aan Ukraine ahayn oo isku dayayay inay ka gudbaan xadka.
“Waxaan ka soo gudbay xadka maanta [1-da Maarso]. Ma haysan wax aan cunno inta aan sugaynay. Waxaan ku badbaadnay shukulaatada oo aan dukaamada ka soo iibsannay ka hor intaanan soo safrin. Habeenkii, qabowgu wuu sii kordhay. Xalay oo aad u qabow ayaanu gubnay qaar ka mid ah dharkii iyo bacahayadii si aan u helno diirimaad. Wax kale oo aanu dab ka shidano maanu haysan.
“Laga soo bilaabo xuduudka, mas’uuliyiinta Poland waxay nagu soo qaadeen bas waxayna na keeneen halkan [Xarunta soo dhaweynta ee Przemysl]. Waa diirimaad. Waxaa jira cunto, waxaa jira musqulo oo aan ku qubeysan karno.
“Markii ugu horeysay tan iyo Jimcihii, waxaan ku seexan doonaa sariir, Ma aan go’aansan waxa aan samayn doono. Hadda ayaan imid Waxaan ka imid Hargeysa [Waqooyiga Soomaaliya] oo dadka halkaas joogaa waxay yidhaahdaan, ‘Lama huraan waa cowska jiilaal.’ Waxaa hubaal ah inay maanta ka ammaan badan tahay waddankii Ukrain.”