Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso

1747

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay weerar qorsheysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi, xilli ay marayeen bartamaha magaalaadaasi.

Rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Puntland ay ka soo saartay weerarkaasi ka dhacay Boosaaso oo aysan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi ciidamada amnigu haatan ka wadaan halkaasi.

Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland ayaa waxaa mararka qaar weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ayaase amnigu waxa uu ahaa mid degan, marka laga tago xiisado u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo xukuumadda Siciid Deni oo ka taagan halkaasi.