Weerar Uu Ku Qaadayo Man United & 5 Saxiix Ee Uu Jose Mourinho Samayn Karo Suuqa January

1637

Jose Mourinho ayaa ku soo laabtay Horyaalka Premier League isaga oo tababare u noqday kooxda Tottenham shaqadana ka badalay Mauricio Pochettino.

Tababaraha reer Argentina ayaa laga caydhiyay shaqada Tottenham xalay kadib markii ay kooxda ka dhisan North London ku bilaabatay si xun horyaalka premier League.

Taas ayaa keentay in uu Tababaraha ku magaca dheer “Special One” ku soo laabto premier League 11 bilood kadib markii uu ka tagay.

Waxa shaki la,aan ah in uu Jose Mourinho suuqa gali doono marka uu furmo January waliba xoojin doono kooxda si uu u dhiso koo qaybta dambe ee xilli ciyaareedka u tartanta boosaska champions League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandigi doona 5-ta saxiix ee laga yaabo in uu sameeyo jose Mourinho suuqa January.

1.Nemanja Matic:

Run ahaantii ma ahan magaca ay taageerayaasha Tottenham doonayaan in ay maqlaan laakiin tabaabre Mourinho ayaa jecel xiddiga.

Xiddiga reer Serbia ayaa Chelsea ku soo biiray markii 2-aad ee uu Jose Mourinho tababaraha u noqday isaga oo kadib Mourinho kula biiray man United xilli uu tababaraha kula guulaystay premier league markii ay wada joogeen Chelsea.

Matic ayaan ku jirin qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa ay Tottenham si dhib yar ku heli kartaa saxiixiisa hadii ay u dhaqaaqaaan.

2.Zlatan Ibrahimovic:

Xiddiga reer Sweden ayaa dhawaan ka tagay kooxda LA Galaxy kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jira waxana uu ku soo laabanayaa Yurub iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badna.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhaw 40 jir laakiin waxa uu xidhiidh fiican la leeyhahay Jose Mourinho kaas oo kala soo shaqeeyay kooxda Man United waxana uu xal wakhti dhaw ah u noqon karaa Tottenham ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

3.Paulo Dybala:

Tottenham ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga reer Argentine suuqii xagaaga laakiin heshiiska ayaa bur-buray kadib markii uu xiddigu ku adkaystay in uu sii joogo kooxda.

Paulo Dybala ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Juventus waxana uu tababaruhu xiddiga ku qancin karaa in uu boos joogto ah u helo marka loo eego in ay qaab ciyaareed xun ku jiraan Dele Alli & Christian Eriksen.

4.Bruno Fernandes:

Xiddiga khadka dhexe ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Tottenham suuqii xagaaga sidoo kale laakiin kooxdiisa Sporting Libson ayaa diiday in ay qiimaha hoos u dhigto.

Laakiin sabab la xidhiidha dhibaato dhanka dhaqaalaha ah kooxda Sportin Lisbon ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay iibiyaan xiddiga waxana uu Jose Mourinho u isticmaali karaa xidhiidhka ay isku dalka yihiin si uu xiddiga ugu qanciyo in uu yimaado White-Hart Line.

5.Nathan Ake:

Jose Mourinho ayaa ku shaac baxay in uu ku ciyaaro qaab ciyaareed daafac ah waxana uu isku dayi doonaa in uu dhiso koox ka dhisan dhanka daafaca isaga oo keeni doona xiddiga Nathan Ake kaas oo lala xidhiidhinayay tababaraha ilaa markii uu tabaabraha u ahaa Man United.