Weerarkii Xalane Oo Lasoo Af-Jaray

704

 Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen booliska.

Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in lixda qof ay shan ka mid ah yihiin ajaanib, islamarkaana uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM. Qofka lixaad ayaa ah Soomaali. 

Waxa uu intaas ku daray in dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen tababarayaal ka caawiya dawladda dhinaca tababarka qaraxyada, balse ma uusan shaacin dalalka ay kasoo jeedaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen laba ka mid ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana iminka la dilay. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in ragga weerarka fuliyey ay gaarayaan afar. 

Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu intaas ka bato, waxaana weerarkan, oo ay sheegatay Al-Shabaab uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee y ku qaado xerada Xalane, oo ah halka la sheego inay ugu amni badan tahay Muqdisho.

Weerarkan ayaa dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaan rasaas laga maqlayaa gudaha Xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan safaarado waa weyn.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in weerarkan uu saameeyey duulimaayada gudaha iyo dibadda oo istaagay.

“5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Waxa kale oo uu weerar afka ku qaaday maamulka Farmaajo, isaga oo shaaciyey inay ayaan darro tahay in hoolkii lagu doortay 5 sano, kahor ay maanta ka dhaceyso rasaas.

“Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!,” ayuu sii raaciyey.