Weriye Axmed Cabdinuur oo geeriyooday

1404

War goor dhaw soo gaaray Warbaahinata Wardoon.net ayaa sheegay in magaalada London uu cudurkan safmarka ah ee Covid 19 ugu geeriyooday wariyihii weynaa Axmed Cabdinuur..

War ku saabsan geerida wariyaha waxaa warbaahinta u xaqiijisay xaaskiisa oo sheegtay in uu u geeriyooday cudurka faraha ba;an ku haya dunida ee Coronavirus.

Geerida Axmed Cabdinuur ayaa siweyn u saameysay bahda warfaafinta guud ahaan waxaana uu ahaa shaqsi codkiisa siweyn u garanayaa inta badan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo dhinaca kalana ahaa rug cadaa muddo dheer saxaafadda ku sii jiray.

Waxaa siweyn loogu xassuuntaa Barmaajikii cayaaraha ee ka bixin jiray BBC da iyo waliba sidoo kale warar isaga oo ka mid ahaa wariyayaasha ugu codka wanaagsan leh marka la eego dhinaca warbaahinta

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.