Weriye Saciid Yuusuf Cali oo Caawa lagu dilay Muqdisho

1895

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa la dilay weriye ka howlgeli jiray caasimadda.

Dilka weriye Saciid Yuusuf Cali ayaa la sheegay inuu geystay Nin Mindi sitay, mana cadda sababta u u dilay iyo waxa kala dhaxeeyay, isagoo u geeriyooday dhaawaca Toorey lagu dhuftay. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu sababsaday dad uu kala celinayey.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ninkii dilka u geystay Allaha u naxariistee weriye Siciid Yuusuf.

Weriye Siciid Yuusuf ayaa la shaqeyn jiray Telefishanka Kalsan TV, isagoo ka mid ahaa saxafiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.