DAAWO:-West Ham Oo Bar-Baro Ku Qabatay Man City +SAWIRRO

821

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa barbarro ay qaybtii labaad u dagaallantay la gashay West Ham United oo laba gool kala hormartay qaybtii hore, taas oo uu rikoodhena khasaariyey xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez.

Manchester City oo marti ku ahayd London Stadium ayaa qaybtii hore waxa lagaga nixiyey laba gool oo uu ka dhaliyey Jarrod Bowen, waxaana haddii ay sidaas ku dhamaan lahayd fursad fiican heli lahayd Liverpool.

Xiddiga ugu qaalisan horyaalka Premier  League ee Jack Grealish ayaa  markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay daqiiqad kaliya socotay gool qurux badan u keenay Manchester City, ka hor intii aanu Vladimir Coufal oo difaaca midig uga ciyaara West Ham aanu si qaldan iskaga dhalin gool, xilli uu isku dayayay inuu madax ku difaaco kubbad laad xor ahayd.

Kooxda horyaalka Premier League difaacanaysa ee Manchester City oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa rikoodhe heshay xilli afar daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsanaayeen dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana u tuuray Riyad Mahrez hase yeeshee waxa ka qabtay goolhaye Lukasz Fabianski, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 2-2.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay iska lumisay laba dhibcood oo muhiim u ahaa hanashada horyaalka, halka Liverpool ay heshay fursad fiican oo ay illaa ciyaarta ugu dambaysa ugu dagaallami karto hanashada horyaalka Premier League.

Manchester City waxay yeelatay 90 dhibcood, waxaanay afar dhibcood ka horreysaa Liverpool oo Salaasada la ciyaaari doonta Southampton oo haddii ay ka guuleystaan ay kaliya hal dhibic ka dambayn doonaan Manchester City, xilli hal ciyaar oo kali ahi ka hadhsan tahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.