West Ham United Oo Ka Inkaarsatay Chelsea , Guul Darro Ayay Qoorta U Sureen Xilli Hadiyad Ay U Tahay Man City

1716

Chelsea iyo West Ham United ayaa nasiinada ku aaday bar ba dhac bilaa goolal ah xilli Chelsea aheyd dhankii wacnaa qeybtaas hore inkastoo halis gillin muuqata aysan sameyn .

Biloowgii labada koox hanaan ciyaareed isu dheeli tiran ayay ku bilaabeen isku dayo waa ay sameeyeen balse ma aheyn kuwo halis gilin toos ah iyadoo ka dib Chelsea ay la wreegtay kubadda .

Chelsea dhowr jeer ayay kubadda gaarsiiyaan goosha West Ham kaliya sedex laad ayaa u dhawaa halka West ham isku dayadooda dhanka goosha ay gaabis ahaayeen xilli goolhayahooda uu ahaa mid foojigan .

Kubad haysashada Cheslsea ee qeybtaas aya gaartay %63 waxaana xusid mudan in qeybta labaad la filan karay gool.

Soo laabashadii , xlli labaad koox baadi goobayeen in jawiga ciyaarta la qabsadaan ayaa Cheslea waxaa lagu helay gool daqiqidii 48=-aad waxaan ka dhaliyay Aaron Cresswell.

Chelsea goolkaas kama aysan qaadin niyad jab , maamulka kubaddana iyaga aya ku wacnaa balse daafaca West Ham ayaa hor taagnaa isku dayada kooxda galbeedka London .

West Ham waxa ay u muuqdeen kuwo aan kala jecleyn cadaadiska Chelsea si deggan ayayna ula macaamilayeen xilli wali ayaaheen dhanka laga filan karo goolal dheeraad ah .

kalsoonidaas West Ham waxa ay keeneysay in ay sigaan shabaqa Chelsea balse laba fursad xaqiiq ahaa waxaa ka bad baadiyay goolhaye Kepe daqiiqadihii 60/61-aad , waxa ayna ka dib Chelsea u muuqdeen kuwo u baahan badal ay sameeyaan .

Chelsea waxa ay daqiiqadihii 63-aad sameeyeen badel iyaga oo hal mar soo wada giliyay Willian iyo Kante oo loo badalay Pedro iyo Jorginho waxa uuna badalkaas keenay xoogaa cadaadis ah balse West ham halis ayay ahayeen.

Gool ayay keeneen West Ham daqiiqaddii 68-aad balse VAR waa diiday oo gacan ayaa jjirtay balse Chelsea xaalka uma wacneeneen waayo West ham aad ayay u fir fircoonaayeen.

Chelsea si ugu yaraan gooolka bar bard haac u keenaan waxa ay badaleen Giroud iyaga oo daqiiqaddii 72-aad soo giliyay Hudson-Odoi balse Chelsea qeybtaan ma aheyn toodii waayo West Ham aad ayau habeysanaayeen waliba si maskaxeysan ayay kubadda ula qeybsanayeen wiilasha Lampard

Chelsea dhmaadkii dagaal xooggan ayay galeen balse West Ham , daafac ahaan aad ayay isku xernaayeen  oo waa ay dareesanaayeen in ciyaarta dhamatay , waxaana lagula kala baxay halkaas gool ee ay West Ham  ku badisay xilli Chelsea ku istaageen booska 4-aad iyaga oo leh 26 dhibic