WFP oo hakisay hawlgaladeedii deegaanada SSC-Khaatumo

74

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah maamulka KMG ah ee SSC-khaatumo, kadib fadeexo ka dhacday maamulkaasi, sida ay warisay hay’adda oo soo saartay warbixin xasaasi ah.

WFP ayaa shaaca ka qaaday in gebi ahaanba ay hakisay howlgalkii gargaarka ee ay ka wadday deegaannada SSC-Khaatumo, kadib markii la dhacay 95 Metric Tons oo raashin ah, falkaas oo si gaar ah ua dhacay magaalada Buuhoodle.

Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankeeda hakinta gargaarka ay la wadaagtay maamullada deegaanka oo ay ku jirto dowlad goboleedka Puntland.

Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday WFP waxa ay hay’addu quudin jirtay illaa 51,530 ruux oo ku nool degmooyinka Buuhoodle, Laascaanood iyo Taleex oo ka wada tirsan SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay SSC ayaa dhankooda sheegay inay jirto dhacdadaas lagu boobay raashinka, laakiin waxa ay ku doodeen in gargaarkaasi deegaanka la geeyay iyaga oo aan la socon, kadibna ay sidaasi ku dhacday inuu raashinka u gacan galo dad kale.

Go’aanka hay’adda WFP ayaa saameyn doono qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan deegaannadaas oo markii hore caawinaad ka helayay hay’addan oo hoostagta QM.

Si kastaba, deegaannada SSC ayaa waxaa xiligan ka jirTa daruuf adag oo ay ugu horreyso dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalladii ka dhacay maamulkaasi iyo kuwa kale oo ay sababeeyn dagaal beeleedyo weli xiisaddooda ay ka taagan tahay gobolada maamulkaasi.