Magaalada Muqdisho waxaa Sanadkii Labaad lagu Qabtay Barnaamijka CAFIS kaasi oo dadka Soomaaliyeed ee dhibku kala gaadhay looga codsado inay is cafiyaan oo isku Laab Samaadaan.
Hadaba waxaa sanadkan kasoo dhex muuqday Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Axmed Cali Kaasi oo Cafiyey Haweenay Eedadiis ah, Taasi oo Sabab u noqotay inuu labada Gacmood ka Naafoobo markii ay Xadhig ku xidhay.
Masuuliyiin iyo waxagarad ka hadlay Munaasibadan ayaa dhankooda Xusay Qiimaha uu leeyahay Barnaamijka Noocan ah ee Cafi walaalkaa.