Wiil iyo Aabihiis oo lagu eedeeyay weerarkii kadhacay Australia

78

Booliska Australia ayaa sheegay in 16 qof, oo ay ku jirto gabar 10 jir ah, lagu dilay weerar toogasho oo ka dhacay Bondi Beach Axaddii – da’doodu waxay u dhaxaysaa 10 ilaa 87 sano.

Weerarku wuxuu dhacay iyadoo munaasabad xus diimeedka yuhuuda ee Hanukkah – booliiska ayaana sheegay inay ula fal galayaan dhacdo argagixiso.

Labada nin weerarka waxay sheegeen Boolisku iney ahaayeen aabe iyo wiil uu dhalay.

Aabaha 50 jirka ah ayaa isna ku dhintay goobta weerarka halka wiilka 24 jirka ah uu ku jiro isbitaal, iyadoo xaaladdiisuna halis tahay.

Ninka 50 jirka ah wuxuu ruqsad u heystay hubka ay weerarka ku geysteen, sida ay booliska sheegeen.

Raisal wasaaraha dalkaas, Anthony Albanese, ayaa weerarka ku tilmaamay “fal xun” oo “si ula kac ah loogu bartilmaameedsaday” bulshada Yuhuudda.

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay inuu salka ku hayo caro ka dhalatay xasuuqa iyo gumaadka ay yuhuudu ku geysatay magaalada Gaza labadii ee la soo dhaafay halkaasoo lagu dilay dad ka badan 70 kun oo shacab ah.