Wiil Si La Yaab Leh U Badbaadiyay Ilmo Yar Oo dabaq kasoo dhacay +VIDEO

1907

Feuzi Zabaat waa 17 jir u dhashay dalka Algeria waxaana lagu tilmaamay

in uu yahay xiddig geesi ah kadib markii uu canug 2 jir ah uu soo badbaadiyay.

Feuzi ayaa dhexda ka qabtay Doxa Maxamed oo ah gabadh yar oo uu dhalatay Suuriya taasi oo ka soo dhacday daaqad ku taalla dabaqa labaad.

Doxa hooyadeed ayaa xilligaasi la sheegay in ay ku mashquulsaneyd cunto karin, balse nasiib wanaag waxaa waddada marayay Zabaat oo arkay gabadha oo soo dhacaysa, waxaana u suuro gashay in uu dhexda ka qabto gabadha oo aan dhulka ku dhicin isla markaasna wax dhaawac ah aanan gaarin.

”Dhexda ayaan ka qabtay gabadha ka hor inta aysan dhulka ku dhicin, waxaa aan sameeyay waxa ay ahaayeen lagama maarmaan” ayuu yiri Zabaat.

”Jacaylka Allaah iyo fadligiisa ayay ku badbaadday”

Zabaat ayaa waxa uu ka shaqeynayay meel aan ka fogeyn dhismaha gabadha ay ka soo dhacday.

Qoyska Doxa ayaa Feuzi Zabaat ku tilmaamay hal-yeey geesi ah.

Waxay arrintani ka dhacday magaalada Istabul ee dalka Turkiga.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Mamadou Gassama oo ah soo galooti ka soo jeeda Mali, oo qaxootinimo ku galay Faransiiska, uu badbaadiyay cunug yar oo kasoo laadlaaday guri dabaq ah, tallaabada uu qaadayna waxay soo jiidatay indhaha caalamka.