Wiil Soomali ah oo lagu dilay London

1407

Dalka Ingiriiska waxaa maanta Maxkamad lagu soo taagayaa Nin lagu magacaabo Norris Henry oo dilay Cali Abuukar Cali oo asalkiisu yahay Soomaali 20-sano jir ah halka uu dhaawacay Haweeney 82 sano jir ah oo aan magaceeda la shaacin.

Dilka & dhaawaca uu geystay Norris Henry waxa uu ka dhacay Albany Parade ee Brentford ee dhacda Galbeedka Magaalada London 11-kii November 2021, tan iyo xiligaas waxa uu eedeysanaha ku jiray gacanta laamaha ammaanka.

Kiis dacweedkiisa Henry ayaa la diyaariyay waxaana maanta loo gudbinayaa Maxkamad ku taalla Magaalada London, caddeymaha wiilka uu dilay ee Soomaaliga , Warqadaha dhaawac muujinta haweeneyda oo isbitaal jiifta & kuwo kale ayaa loo gudbinayaa Maxkamadda.

Qoyska Cali ayaa sheegay in rejo wanaagsan ay ka qabaan in wiilkooda cadaalad uu helo, waxaana gaartay lacag loo uruuriyay oo xiligaan cadad ahaan gaareysa £50,000 (Konton kun oo gini) maadaama Cali lagu tilmaamay “Halyeey Geesi ah”.

Maxkamadda Uxbridge ayaa maanta lasoo taagayaa eedeysanaha si ay u dhageysato una xukunto Norris Henry oo muteysan kara ciqaab adag oo ka dhalaneysa Dilka Cali & Dhaawaca haweeneyda uu u geystay.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN