Wiilkii Soomaaliga ahaa ee Trump Degmadiisa u diiday oo Loo doortay Baarlamanka Yurub

1817

Majid Majid oo ah wiil Soomaali ah ayaa loo doortay baarlamaanka Midawga Yurub, Wuxuuna horay usoo Noqday Duqa magaalada Sheffield ee dalka Britain

Maajid ayaa horay taariikh u sameeyay markii uu noqday duqii magaalo ee u horreeyay ee xisbiga Green Party uu ku yeesho magaalada Sheffield, wuxuuna sidoo kale wakhtigaas noqday duqii magaaalo ee ugu da’da yaraa.

Wuxuu Markii lagu dhawaaqay natiijada Doorashada ugu mahadceliyay dadkii soo doortay.

Maajid ayaa Ingiriiska tagay isagoo shan sano jira ka dib markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Saxaafadda ayaa aad u soo hadal qaaday sannadkii hore ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu Trump ka mamnuucay magaalada uu duqa magaalada ka ahaa, Isagoo sheegay in Trump uu yahay nin aan mudnaan badan lahayn.