Wolverhampton oo Guul Darro Xanuun Badan Dusha usaartay Man City+SAWIRRO

2440

Man City ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Wolverhampton hal gool oo nadiif ah xilli ay marti ugu ahaayeen kullan ka tirsanaa waregga 19-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Biloowgii, City kubad wacan ayay soo bandhigeen balse ma jirirn halis gillin xilli kooxda martida loo ahaa ay soo bandhigeen kubad geesinimo leh .

Wolverhampton waxa ay ku dhiiranayeen in ay kubadda gaarsiiyaan goosha City xilli daafac ahaan ay wacnaayeen , basle xaaladda waa is badashay ka dib markii kaar cas loo taagay goolhayaha City .

Daqiiqaddii 12-aad ayaa loo taagay goolhaye Ederson kaarka cas ka dib markii uu si ula kac ah u carqaldeeyay weeraryahan Wolverhampton kaasi oo shabaqiisa booqan lahaa haddii uusan qaladkaas kula gali laheyn banaanka qadka rigoorada .

Tababare Pep ayaa sameeyay badel deg deg ah isaga oo saaray weeraryahankiisa Aguero iyadoo la soo giliyay goolhaye Claudio Bravo .

City daafac ayay galeen xilli weerarka iyaga uu saarnaa waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah illaa ay heleen fursad rigoore ah ka dib qalad lagu lagu galay Riyad Mahraz .

Rigooradaas waxaa laaday Raheem waana laga qabtay balse tababaraha aya amray in lagu celiyo maadaama ciyaartooy Wolverhampton dhaqaaqeen mar kale ayuu laaday Raheem waa laga qabtay balse ku celintii ayuu ku dhaliyay daqiiqaddii 25-aad.

Wolverhampton waxa ay soo bandhigeen ciyaar dar dar leh waxa ayna City ku jireen foojignaan iyo difaac maadaama laga tira badan yahay waxaana nasiinada lagu aaday halkaas gool.

Qeybta labaad , City waxa ay badaleen Riyad Mehraz iyaga oo soo giliyay Eric Garcia waxa ayna kooxda martida loo ahaa biloowgaas halis gilinayeen City .

Kooxda Pep xaalka waa ku adkaa kubadaha rogaal celiska ah ayayna ku tiirsnaayeen illaa ay ku keeneen gool si wacan looga shaqeeyay waxaana baasay Kevin De Bruyne xilli Raheem uu shabaqa ku husbaday daqiiqaddii 50-aad

Wolverhampton , waa laga filan karay goolal ,dagaal ayayna ugu jireen arintaas illaa ay keeneen gool daqiiqaddii 55-aad waxaana laad ku dhaliyay Adama Traore .

Man City waxa ay daqiiqaddii 67-aad badaleen Kevin De Bruyne iyaga oo soo giliyay Ilkay Gundogan waxaana muuqaneysay laacibkas uu ka carooday badalka.

Marka la eego hanaan ciyaareedka Wolverhampton , waxa ay u nuglaayeen in ay dhaliyaan gool labaad maadaama ay cadaadis saareen wiilasha Pep , waxa ayna City ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Dhamaadkii, Man City cadaadis ayaa la saaray waxaana lagu sigayay goolal badan illaa ugu dambeyn lagu helay goolkaas daqiiqaddii 82-aad waxaana ka dhaliyay Wolverhampton wax aayan ciyaarta ka dhigtay min laba gool.

City xaalka ayaa ku xumaaday , waana ku adkeyd in kubadda ka soo dhaqaajiyaan aagga gooshooda illaa loogu daray gool sedexaad daqiiqadii 90-aad waxaana sidaas sameeyayMatt Doherty xilli guud ahaan ciyaarta ay ku dhamaatay sedex iyo laba oo ay guusha ku raacday Wolverhampton.