
Midowga Yurub ayaa €120 milyan (£105m) oo ganaax ah ku qaaday baraha bulshada ee uu leeyahay Elon Musk, kadib markii lagu helay in nidaamka calaamadda buluugga ah (Blue Check) uu ku jahwareeriyo isticmaalayaasha.
Guddiga Yurub ayaa sheegay in X (hore Twitter) ay ogolaatay in qof walba iibsado calaamadda buluugga ah iyada oo aan si dhab ah loo xaqiijin cidda ka dambeysa akoonka. Arrintaas, ayay yiraahdeen, waxay:
Ku qaldo dadka isticmaala
Fududeysaa faafinta khiyaanooyinka iyo macluumaadka been abuurka ah
Banaanka u saartaa in akoono aan la aqoon ay ku dhaqaaqaan falal marin-habaab ah
Guddiga ayaa ku tilmaamay nidaamka cusub “khiyaano halis leh oo dadka isticmaala wax u dhimaysa”.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa si caro leh uga falceliyay. Brendan Carr, guddoomiye ka tirsan Guddiga Isgaarsiinta Federaalka (FCC), ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub inuu si gaar ah u bartilmaameedsanayo X:
“EU waxay ciqaabaysaa shirkad tiknoolaji oo Mareykan ah oo guul u horseeday. Tani waa canshuur ay Saarayaan Mareykanka si ay u daboolaan siyaasado dib u dhacay.”
Hadalladiisa waxaa taageeray Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, oo isaguna dhaliil xooggan u jeediyay Brussels. Wuxuu sheegay in X lagu beegsanayo sababtoo ah:
“Ma aqbalaan inay qayb ka noqoto faafreebka.”
Waxaana wararka soo baxaya tilmaamayaan in ganaax kale oo ka dhan ah X ay EU soo saari doonto maalmaha soo socda.
Dhacdadan ayaa muujinaysa khilaaf sii kordhaya oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo Mareykanka, gaar ahaan marka ay timaaddo:
Xorriyadda hadalka
La dagaallanka wararka been abuurka ah
Xeerarka shirkadaha tiknoolajiyadda
Midowga Yurub waxay diiradda saaraysaa ilaalinta isticmaalaha. Mareykankuna wuxuu u arkaa weerar ka dhan ah xorriyadda internetka iyo ganacsiga shirkadaha tiknoolajiga ah ee uu hormuudka ka yahay.




















