Xaaf “Galmudug Waa state xor ah oo madaxbanaan +VIDEO

2098

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Dhuusamareeb ayaa ku tilmaamay xadgudub Warqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kasoo baxday ee looga hadlay doorashada Galmudug iyo mudada xilheynta Madaxweyne Xaaf.

Xaaf oo dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb kadib safar uu ugaga maqnaa dalka dibadiisa ayaa shirkiisa jaraa’id ugaga hadlay arrimo dhinacyo kala duwan taabanaya isagoo ku eedeeyay dowlada federalka inay farogelin ku hayso maamulkiisa.

“Howsheenu ha ahaato aan is difaacno,Howsheenu ha ahaato aan is ilaalino,Howsheenu ha ahaato aan isku tashano,dhamaan xildhibaano iyo wasiiro waxan u baahanahay in aan si deg-deg ah isugu imaano oo aan aayaheena ka tashano,”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku tilmaamay dilkii ka dhacay Koofurta Gaalkacyo inuu ahaa mid siyaasad ay ka dambeysay isagoo sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.