Xaaf oo been abuur kutilmaamay Xildhibanada cusub ee Galmudug

2265

Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) oo hadda fadhigiisu yahay Gaalkacyo ayaa ka horyimid liiska xildhibaanada cusub ee shalay looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb.

Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa wuxuu ku sheegay inuu cambaareynayo, sidoo kalena ay la xisaabtami doonaan cida soo raartay liiska xildhibaanada looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareen oo uu ku tilmaamay kuwa been abuur ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka gobollada Galgaduud iyo Mudug inay u istaagaan badbaadinta dowlad goboleedka Galmudug.

Xaaf ayaa intaasi ku daray in tallaabadaani ay tusaale iyo tilmaam u tahay nooca doorasho oo ay rabto xukuumadda Soomaaliya inay qabato 2020/2021.

Warkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee weli ka taagan dhismaha Galmudug, kaas oo uu weji kale uu yaahay Madaxweyne Xaaf.