Xaaska madaxweyne Ali Bongo oo la amray in lasoo xiro

179

Dacwado la xiriira lacag dhaqis, hanti la xaday, iyo isticmaalka lacago been abuur ah ayaa maanta oo Jimco ah lagu soo oogay xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Gabon Ali Bongo.

Dacwad oogaha guud ee dalka Gabon Andre Patrick Roponat ayaa shalay oo Jimco ku dhawaaqay in Sylvia Bongo oo ah xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray la horgeeyay garsooraha dambi baarista lana amray in lasoo xiro.

Waxaa sidaan oo kale horey dacwado la xariira musuq maasuq iyo wax isdaba marin isna loogu soo oogay loona xiray wiilka madaxweynahihii la af-gambiyay ee dalka Gabon Noureddin Bongo Valentin.

Qoyska madaxweynihii xilka dalka Gabon laga tuuray ayaa xilligan wajahaya cadaadis kaga imaanaya milatariga xilka ka tuuray, kuwaa oo kusoo oogaya qoyskan talada dalkaasi muddo fog soo hayay musuq maasuq iyo dambiyo kale.

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Gabon Ali Bongo oo xabsi guri la galiyay 30-kii bishii Agoosto ee sannadkan ayaan laga heyn wax war iyo wacaal ah, mana jiro wax war ah oo milatariga kasoo saareen xaaladiisa iyo halka uu joogo.