
Wadaadka Soomaaliga ah ee Cabdulqaadir Muumin, oo si weyn loo hadal-hayo inuu noqday hoggaamiyaha guud ee cusub ee kooxda Daacish, ayaa la rumeysan yahay inuu xilligan ku dhuumaaleysanayo godad iyo buuraley ku yaalla waqooyiga Soomaaliya.
Hase yeeshee, halka uu ninkaasi ku jiro dhuumashadaas, xaaskiisa British-Soomaaliga ah ee ay kala tageen iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa si xasillooni iyo qarsoodi ah ugu nool magaalada Slough ee London ee dalka Ingiriiska, sida uu shaaciyey wargeyska Daily Mail.

Muumin, oo horey wadaad uga soo ahaan jiray magaalooyinka London iyo Leicester, isla markaana heystay dhalashada Ingiriiska, ayaa dowladaha Reer Galbeedku muddo dheer u aqoonsanaayeen inuu yahay astaanta ugu weyn ee garabka Daacish ee Soomaaliya.
Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ninkan ku dartay liiska “Argagixisada Caalamiga ah ee sida gaarka ah loo calaamadeeyay,” iyadoo la raacayo cunaqabateynta la dagaallanka argagixisada.
Nolosha magaalada Slough ee London
Iyadoo ay u dhexeyso masaafo kumanaan kiiloomitir ah goobta la tuhunsan yahay inuu kaga dhuumaaleysanayo buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland, qoyska Muumin waxay nolol caadi ah ku qaadanayaan guryaha danta guud (council estate) ee gobolka Berkshire ee dalka Ingiriiska.
Xaaskiisii hore, Muna Cabdulle, oo ah 43-jir haysata dhalashada Ingiriiska iyo Soomaaliya, ayaa aqal labo qol ah magaalada Slough kula nool wiil 20-jir ah iyo laba gabdhood oo da’doodu kala tahay 18 iyo 17 sano.

Muna waxay ka shaqeysaa shirkad maxalli ah oo dhanka caafimaadka ah, waxaana la xaqiijiyay inay carruurta soo korisay kaligeed tan iyo markii uu Muumin si lama filaan ah uga hayaamay Ingiriiska sannadkii 2010-kii, isagoon cidna ku wargelin.
Muna Cabdulle ayaa horay u sheegtay in ninkaasi uu “dayacay” qoyska, isla markaana aanay cidina xiriir la sameynin in ka badan toban sano.
Dadka ay saaxiibada yihiin qoyska ayaa sheegay in carruurtu ay garanayaan cidda uu aabahood yahay, balse aysan dooneynin inay wax lug ah ku yeeshaan noloshiisa. Ma jirto wax shaki ah ama eedeyn ah oo carruurtaas looga haysto dhanka sharciga.





















