Xaaskii Madaxwayne Cigaal oo Gurigeeda Hargeisa Dab la Qabad siiyey+VIDEO

1698

Kaltuun Xaaji Daahir Marwada Madaxwaynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Ayaa sheegtay in Gurigeeda ay ka dagan tahay magaalada Hargeisa Habaynkii Xalay dab la Qabadsiiyey.

“Waxaanu Maqalnay Qalo, Wiil ayaa yidhi Aqalkii ayaa gubtay, Nasiib wanaag waa lagu guulaystay in la Damiyo, Dabdamiska ayaa noo yimid, Khasaare Nafeed kama dhalan, Balse khasaare Maaliyadeed wuu Jiraa “ Ayay tidhi.

Dhinaca kale Kaltuun waxay Fariin u dirtay Xukuumadda Somaliland, waxayna sheegtay inay Horay ugu dacwootay Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, waxayna xustay inay Horay gurigeeda uga dhaceen Dagaal iyo Handadaad, Waxayna xustay inaysan noqon doonin in Qofkasta oo sharciga gacantiisa ku qaato, hadana ay jawaab ka Sugayso xukuumaddu inay wax ka qabato.

Waxay xustay 17-Sanno ay dad is hayeen Jirtay , Hadana Tuhun ay Qabto, Balse aysan ka hor dhacayn baadhista.