Xabi Alonso Oo Kashifay Waxa Khaas Ka Dhigaya Xiddiga Liverpool Ee Fabinho

1928

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Xabi Alonso ayaa amaan ugu qubeeyay xiddig kooxda Liverpool ee Fabinho isaga oo hoosta ka xariiqay waxa xiddiga ka dhigaya mid khaas ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka soo kabsaday qaab ciyaareed hoose oo uu ku bilowday noloshiisa Liverpool isaga oo sameeyay horumar cajiib ah kana mid ah xiddigaha ugu muhiim kooxda Jurgen Klopp.

26 jirkan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamo badan isaga oo Reds ka caawiyay in ay 8 dhibcood ku qabto horyaalka premier League.

Halyeeyga reer Spain ee Alonso oo sidoo kale qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay intii uu joogay Liverpool ayaa haatanba la dhacsan xiddiga Fabinho.

“Mar walba waxa uu ku xidhan yahay ciyaarta, ka qayb galkiisa ayaa muhiim weyn ah”ayuu Alonso u shegay The Athletic.

“Mararka qaar waa in aad qaato talaabo kaliya ama 2 talaabo si aad u badasho dhaq-dhqaaqa kooxdaada taas ayaana go,aamin karta natiijada kulanak iyada oo ayna cidna dareemin sababta oo ah taageerayaashu waxa ay la socdaan kubada laakiin lama socdaan xiddiga”.

“Waxa uu mar walba go,aaminaya waxa dhacaya marka uu kubada haysto”ayuu sii raaciyay.