Xafiiskii qaraxyada Al-Shabaab ee Muqdisho lagalay +VIDEO

29

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay warbixin lagu sharaxay qaabkii loo ciribtiray kooxihii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho.

Warbixintaan oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in NISA ay ku guuleysatay burburinta xafiiskii qaraxyada Al-Shabaab ee Muqdisho iyo shabakad isku xirneyd gobolka Banaadir ilaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

Magaalooyinka Jilib, Mubaarak iyo Gandarshe ayaa lagu sameeyaa qaraxyada lagu laayo shacabka Muqdisho, NISA ayaa warbixintaan ku shaacisay magacyada ragga ugu sareeya kooxda qaraxyada Al-Shabaab.

Sida ay shaacisay NISA, Saleebaan Sheekh Cumar Cali Fiidow waa ninka ugu sareeya kooxda qaraxyada u sameysa Al-Shabaab, wuxuu joogaa degmada Jilib, waxaana ku xigeen u ah Yaxye Axmed Maxamuud (Yaxye Buur).

Hay’adda NISA ayaa soo bandhigtay magacyada iyo muuqaalka raggii adeegayaasha ahaa ee Al-Shabaab ay u soo dirsadeen howlgalkooda Muqdisho, balse u gacan galay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale NISA ayaa warbixintaan ku soo bandhigtay seddax nin oo dhanka sahanka kala shaqey jiray shabakadaan, kuwaas oo sarkaal labo xidigle ah oo ka tirsan ciidamada dowladda uu ku jiro, xubnaha shabakadda qaar ayaa la hor geeyey sharciga, qaarna waxaa weli ku socota baaris.

Waxaa jira xubno Shabaab ah oo ka baxsaday Muqdisho, markii ay ogaadeen inay fashilmeen, waxaa ku jira nin magaciisa lagu sheegay Jeeri oo ahaa madaxii shabakadaan la burburiyey ee qaabilsaneed qaraxyada Khawaarijta ee Muqdisho ka dhici jiray.

NISA ayaa sheegtay in Jeeri uu u cararay Jilib, balse aagga Afgooye lagu qabtay qoyskiisa oo ka guuray Muqdisho, una socday halka uu joogo ee Jilib.