Xaliimo Yarey oo maanta lagasugayo Baarlamaanka

1533

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa lagu wadaa in maanta ay hortagto xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xaliimo Yarey ayaa sida uu qorshuhu yahay kulanka baarlamaanka ee maanta ka shaacin doonto laba arrin midood, taas oo la xiriirta doorashada 2020/2021-ka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqi doonto xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashada, ama inay cudur daarato, maadaama aysan weli dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada aysanisaga imaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddiga doorashada laga dalbaday inay dib u dhigaan warbixintooda, illaa uu ka qabsoomayo kulanka uu iclaamiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo marti-qaad u fidiyey madax goboleedyada dalka.