Xamse oo boqolaal shacab ah kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

38

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Sidoo kale tukashada salaada kala qeyb galay RW Xamse masuuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiyaha golaha shacabka, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo xubno kale

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciidda ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Adxaa awgeed. dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda.

Shacabka Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul adxaa, iyadoo fantasiye balaaran oo arintaas ku saabsan laga dareemayo caasimada.