Xamse oo dalka dibadiisa u safray +SAWIRRO

253

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw u ambo baxay magaalada Qaahira ee caasinadda dalka Masar.

Xamse Barre ayaa dalka Masar ugu baxay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah, waxaana garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay wasiirro katirsab xukuumada.

Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.