Xamse oo magacaabay xubno kamid ah golihiisa wasiirrada

157

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto ayaa magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu soo dhammeystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaanaa, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.

Xamza ayaa soo magacaabay illaa 4 wasiir iyo hal wasiiru dowle, kuwaas oo ay kamid yihiin:-

Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka arrmaha dibadda Soomaaliya, waxaana xilkii uu hayay ee wasaaradda arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Xoosh.

Sidoo kale Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha, halka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame isna loo magacaabay wasiirka tamarka iyo biyaha Soomaaliya.

Maxamed Aadan Macallin ayaa isaguna loo magacaabay wasiirka boostada, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay waiiru dowlaha wasaaradda bay’ada iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya.

“Wareegtadan waxa ay dhaqan-geleysaa marka uu saxiixo ra’iisul wasaaraha, XJfS Mudane Xamza Cabdi Barre, waxaana lagu soo saari doonaan faafiinta rasmiga ah ee JFS”ayaa lagu yiri qoraalka.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday, xilli ay Villa Soomaaliya ku guuleysatay wax ka beddelka dastuurka, ayna sidoo kale taagan tahay xiisad u dhexeyso dalalka Soomaaliya & Itoobiya.