Xarumihii ganacsiga Galkacyo oo maanta xiran +SAWIRRO

1536

Carwooyinka Ganacsiga ee elektarooniga, Dharka iyo Kabaha ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa xiran gabi ahaanba saaka markii ay Wasaaradda maaliyaddu kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah.

Ganacsatada ayaa sheegay in aysan awood u laheyn lacagta lagu soo rogey oo aan kujirin Miisaaniyadda la ansixiyey ee sharciga ahayd, waxayna sheegen in dad gaar ah ay lacagtan qaadanayaan.

Macluumaad soo baxay ayaa sheegaya in ay canshuurta soo rogidan cusub ay katimi Wasiirka maaliyadda oo ku amray qeybta wasaaradda ee gobolka Mudug.