Xaruntii Xisbullaah oo la duqeeyay

142

Tan iyo markii ay duqeynta dhacday saacado kahor , markii u horeysay ilo wareedyo Iran iyo Lubnaan ah ayaa hadda soo wariyay inuu go’ay xiriirka hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah oo ay Israa’iil sheegtay inay duqeyntaa oo aan horey uga dhicin dalka Lubnaan ku beegsatay.

Warbaahinta Israa’iil oo uu ku jiro raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa waxyar ka hor ku warramay inay saraakiisha Israa’iil aaminsanyihiin inuu geeriyooday Nasrallah.

Ururka Xisbullah oo ah cidda u dambeysa ee laga sugayo ku dhawaaqista nolasha iyo geerida Nasrallah, ma jiro wali war ka soo baxay , tan oo xaaladda sare u qaaday!

Haddii ay dhacdo inuu duqeynta ku dhintay Nasrallah, sidoo kale waxaa la dhintay labadii qof ee ka beddeli lahaa hoggaanka sare ee Xisbullah oo uu ku jiro , Cali Karaki, sida laga soo xigtay Israa’iil oo sheegtay goobtaa ay duqeysay inuu sarkaalkan iyo xubnaha sare ku sugnaayeen.

Weerarkan khasaare uma horseedayo kaliya Xisbullah, sidoo kale Iran ayaa khasaare weyn la kulmi karta, sababtoo ah Nasrallah waxaa la sheegay inay la joogeen saraakiil sare oo ka tirsan Iran gaar ahaanna Ilaalada Kacaanka Iran.

Markii u horreysay tan iyo markii ay Israa’iil bilowday duulaanka Lubnaan, waxyar ka hor hoggaamiyaha sare ee Iran, Cali Khamenei ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo Golaha Ammaanka Iran ay ku yeelanayaan gurigiisa, sida uu ku warramay wargeyska New York Times. Markii u dambeysay ee kulankan wuxuu ahaa xilligii ay socotay baadigoobkii shilkii diyaaradeed ee uu ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Iran, Ebrahim Raisi.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 , ayaa ka soo xigtay sarkaal sare oo amniga Israa’iil ah , inuu yiri ; “ Israa’iil hadda waxay gashay dagaal dhab ah.”

La-taliyaha hoggaamiyaha sare ee Iran , Cali Larijani; “Iska caabintu waxay leedahay madax iyo kaadiriin xooggan, hoggaamiye kasta oo shahiidayna wuxuu helayaa beddelkiisa.” Ma waxaan u qaadaneyna Nasrallah ayaa geeriyooday? Waxaan sugeyna saacadaha iyo ku dhawaaqista Xisbullah ah ama Iran!

Si aan horey loo xisaabin oo dhaqso badan waqti yar Israa’iil ayaa ku gaartay si is xigta inay ku disho saraakiishii ugu muhiimsanaa ururka Xisbullah , dhammaan weerarrada lagu beegsaday si sax ah ayay u dhaceen , si la yaab leh waxay Israa’iil sidoo kale u qarxisay nidaamkii isgaarsiinta Xisbullah , iyadoo qaraxyada ay ka dhasheen walxo qarxa oo isgaarsiinta Xisbullah lagu xiray, illaa caawa oo xaruntii dhexe ee Xisbullah uu weerar ka dhacay xilli wali Israa’iil ay ku andacoonaysa xilliga weerarka inuu goobta ku sugnaa Nasrallah iyo xubnaha ugu muhiimsan Xisbullah iyo saraakiisha taageerrayay ee Iran. Intan oo dhan waxay dhalinayaan su’aal weyn , sidee Israa’iil ku helaysa sirdoonka sax ah oo ay ku gaarayso dalqada Xisbullah iyo weerarro ku dhacaya hab sax ah?