Xasan Adan Samatar iyo Cigaal oo Muqdisho yimid +COD

2698

Fanaaniinta caanka ah ee Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa soddon sano kadib ku soo laabtay caasimada dalka ee Muqdisho.

Labadan fanaan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dadkii la socday wafdiga uu horkacayay madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

“Waan soo laabanay waana ku faraxsanahay in aan dalkeenee dib ugu soo laabanay.”ayuu yiri Samatar oo sanadihii la soo dhaafay ku noolaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale Axmed Cali Cigaal ayaa sheegay in uu aad u faraxsana yahay isla markaana farxadiisa ay la mid tahay mid uu hawada sare marayo.

Fanaaniin badan ayaa hore dib ugu soo laabatay dalka inkastoo qaar ka mid ah ay dib ugu laabteen wadamadii ay ku noolaayeen oo ay ka heleen degenaansho dagaaladii sokeeye kadib.

Hase yeeshee fanaantii dib u soo laabatay ayaa waxaa ka mid ahayd Allaha unaxariistee Sahdo Cali Warsame oo kamid noqotay xildhibaanada baarlamaanka balse lagu diley magaalada Muqdisho.

Lama oga in fanaaniinta timid maanta inay sii joogi doonaan ama ay dib ugu laaban doonaan waddamadii ay ku noolaayeen.