Xasan C/qaadir Maxamed oo loomagacaabay Agaasime kuxigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha

1590

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa magacaabay Agaasime kuxigeen cusub oo ay yeelaneyso Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga ayaa Xasan C/qaadir Maxamed loogu magacaabay Agaasime kuxigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaasoo noqonaya kuxigeenkii 6aad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magacaabidan ay qeyb ka tahay heshiis hoose oo dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo, kaasoo si hoose lagu xaliyay mooshinkii Madaxweynaha laga keenay bishii December ee sanadkii hore.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa xilal iyo dhaqaale ku xaliya dhibaatooyinka siyaasadeed ee soo wajaha, iyadoo heshiisyo hoose lagu kala qeybsado xilalka iyo dhaqaalaha dowladda ee loo adeegsado furdaaminta howlaha siyaasadda.