Xasan Cali Khayre oo kubiiray mucaradka dhamastirka Dastuurka +VIDEO

76

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qabtay shir jaraa’id oo arrimaha dastuurka uu kaga hadlay, isagoo sharaxaad ka bixiyey qodobada ay ku diidan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in deg deg loo meelmariyo qorshihiisa dhameystirka dastuurka.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ay wado uu yahay dastuur la bedelayo, balse uusan aheyn dastuur la dhameystirayo, isagoo ka deyriyey xaaladda ay Soomaaliya cagaha la sii geleyso.

“Dalkeennu wuxuu maanta ku jiraa xaalad adag, gudaha iyo dibaddaba. Maanta ayaana ugu baahi badannahay midnimo iyo wadajir, balse ma dooneyno in la kala fogeeyo dadkii Soomaaliyeed ee ku kala tegay dagaallada sokeeye,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka digay in dalka lagu maamulo kaligii talisnimo, isagoo si gaar ah farriin ugu diray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh dib u xusuusinayaa in uusan ka leexan wadadii aan ku baadi goobeynay midnimada Soomaaliya iyo masiir loo dhan yahay, isla markaana uusan iloobin hadaladiisii ahaa in qof kaligiis ah uusan go’aan ka gaari karin masiirka umadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa cod dheer ku dalbaday in talada dastuurka dhexda lasoo dhigo, isla markaana meel la isla dhigo danaha gaarka ah ee laga dhex arkayo dastuurka, kuwaas oo sida uu sheegay aan u adeegeyn danaha dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan madaxda dalka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara qarannimadeenna iyo midnimada umaddeenna, arrimaha masiiriga ah ee wax-ka-beddelka dastuurku ugu horreeyana laga gaaro talo mideysan iyo go’aan loo dhan yahay,” ayuu yiri Kheyre.

Muran adag oo siyaasi ah ayaa hareeyey arrimaha dastuurka Soomaaliya, halka baarlamaanka Soomaaliya oo howshiisa iska wata uu dhawaan soo gabagabeeyey doodii cutubka 4-aad, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la ansixiyo cutubyadii laga soo dooday.