Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale ay ka badbaaden isku day dil kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasaas ku furen banaanbaxayaal ay hor kacayeen.
Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in tallaabadaan ay muujineyso aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta.
Kheyre ayaa tilmaamay inuu horey uga digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook