Xasan oo dalab culus hor-dhigay odayaasha Murusade +SAWIRRO

246

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa odayaasha kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo khawaarijta Al-Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday inay madaxweynaha ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dawlad goboleedka Galmudug, halkaasi oo la filayo inuu muddo ku sugnaado.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa ahaa in dhamaystirka wajiga koobaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo Galmudug, iyada oo hawlgallo ay ka bilaaban doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Magaalada Ceelbuur ayaa kamid meelaha sida wayn loogu taamayo in lagala wareego Al-Shabaab.