Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay garoon diyaaradeed cusub oo heer Caalami ah, kaasoo laga hirgalinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Garoonkaan cusub ayaa lagu magacaaba New Mogadishu International Airport, waxaana lagu wada inuu bixiyo adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka garoomada caalamiga ah.
Mashruucan uu maanta dhagax dhigay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka kooban, Deked caalami ah, wadooyin, isbitaallo, iyo adeegyo kale oo bulsho, waxaana mnaasabadda dhagax dhigga ka qaybgalay masuuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle.
“Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Mashruucan ayaa lagu dhawaaqay markii ugu horeysay dhamaadkii bisha Diseembar ee sanadkii lasoo dhaafay 2024, wuxuuna ujeedkiisu yahay in la xoojiyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, waxaana garoonkaan uu noqon doona haduu hirgalo mid wax badan ka badalaya culeysyada ka jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.