Xasan oo kaqeybgalaya aaska Raila Odonga

64

Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Nairobi halkasoo uu kaga qeyb galayo aaska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo lagu wado in saacadaha soo aadan lagu aaso Nairobi.

Garoonka diyaaradaha Nairobi ee Joma Kenyata waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuiiyiin ka socday Dowlada kenya sida Wasiirka Caafimaadka Aadan Barre Ducaale iyo Safiirka Soomaaliya u ifadhiya Kenya Danjire Jabriil Cabdulle.

Madaxweynaha waxaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay garoonka Kasaraani halkaasoo uu dul tagay meydka Raila Odinga oo wax yar kadib lagu wado in la aaso.