Xasan Sheekh iyo Erdogan oo yeeshay kulankii u horreeyay

170

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkiisa, Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas oo kusoo aaday kadib heshiiskii difaaca ee labada dal.

Kulankan ayaa yimid markii uu madaxweyne Xasan dalka Turkiga uga qeyb galay shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ku aadan iskaashiga labada dal iyo dhaqaajinta heshiiska cusub ee ay wada gaareen Muqdisho iyo Ankara.

Madaxweynaha khudbaddii uu ka jeediyay shirka Antalya wuxuu kaga hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Sidoo kale wuxuu bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaaca oo maalmo kahor uu saxiixay madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu isna ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, isla mrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayaa horay madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.