Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya,.
Xasan Sheekh , ayaa Adis Ababa kaga qeyb-galaya Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka, kaas oo ay ka qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaal ka socda caalamka iyo gobolka.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-Ababa waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abbi Ahmed oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka.