Xasan Sheekh oo booqday Beledweyne +SAWIRRO

275

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii argagixiso ee horaantii bishii hore ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kormeer iyo indha indheyn ku tagay Madaxtooyadii Magaalada Beledweyne oo burbur xooggan uu kasoo gaaray weeraradaas ay geysteen kooxda alshabaab.

Xasan Sheekh ayaa warbixino la xariira weeraradii ka dhacay magaalada Beledweyne ka dhageestay madaxda maamulka Hirshabelle , kuwaa oo ka hadlay dhibaatooyin badan oo magaalada ka jira magaalada iyo dhacdooyin ka dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa halkaasi kawada kulamo siyaasadeed uu la leeyahay madaxda maamulka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka .