Xasan Sheekh oo goordhaw tagay Baydhabo+VIDEO

498

Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa si weyn Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdiga la socda ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Xildhibaano katirsan labada Aqal, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa soo dhaweynta kadib loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed halkaas oo la filayo in uu ku nasto kadibna kulama kula qaato Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh goordhaw ku tagay magaalada Baydhabo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu kaga baxo caasimadda Muqdisho tan iyo markii dib loo doortay 15-kii bishan May.