Xasan sheekh oo maanta kusiijeeda Masar

401

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri oo axad ah u socdaalaya caasimadda dalka Masar ee Qaahira, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Cabdulfitah Al-Siisi.

Diyaaradda Egypt Air oo qaadaysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa taagan garoonka diyaaradaha Muqdisho. Booqashada Madaxweynaha ayaa qaadan doonta maalmo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta xariirka labada dal iyo Iskaashiga dhanacyada Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Waa socdaalkii todobaad ee Madaxweynaha DFS uu uga baxayo dalka, tan iyo markii la doortay 15kii bishii May. Dalalka Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti iyo Tanzania oo uu maanta kasoo laabtay ayaa uu horey u booqday Madaxweynuhu.