Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada dalka ku qaabilay halyeeyadii hore ee kubadda cagta Afrika iyo Caalamka oo Shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Halyeeyadaan oo kala ahaa Samuel Eto’o oo haatan ah gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta dalka Cameroon, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha, kuwaas mar si weyn uga dhex muuqan jiray ciyaaraha kubada cagta ee dalalka ay kasoo jeedaan iyo waliba horyaalada laga cayaaro qaarada Yurub.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, taasoo uu tilmaamay iney ka marag kacayso amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoona xusay in dowladdu ay dadaal weyn ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga, booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex galka iyo dhiira gelinta dhalinyaradda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka uu qaabilaada ugu sameeyay madaxweynaha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi.
Ugu dambeyntii booqashada ciyaartoydaan heerka Caalami ah ku yimaadeen Muqdisho ayaa si weyn u soo jiidatay indhaha dadka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in ciyaartooydaan maanta socod ku dhex mareen qeybo ka mid ah wadooyinka iyo goobaha ganacsi ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.