Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay C/raxman Ciro

101

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada Somalilan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Amb. Maxamed Aw-Cali Cabdi.

 

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

 

Mudane Xasan ayaa u xaqiijiyey madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

 

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

 

Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.