Xasan Sheekh oo u socdaalaya Itoobiya

243

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu u socdaalo todobaadkan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Waa safarkii u horreeyay oo uu ku tagay Madaxweyne Sheekh Itoobiya, tan iyo markii la doortay 15kii bishii May, ee sannadkan, isagoo horey booqashooyin ugu tagay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa gobalka, sida Kenya, Jabuuti, Eritrea iyo Ugandha.

Hoggaamiyaha Soomaalida oo casuumaad ka helay Addis Ababa ayaa kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo ay ka wada-hadlin doonaan xariirka labada dal iyo arrimo kale, oo uu kamid yahay dagaalka argagixisada.