Xassan Shiikh oo london u yimid kaqayb galka aaska Queen Elizabeth 2

236

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Waxa uu ka mid yahay wufuud la casuumay oo illaa 500 gaaraya ka hor aaska boqorad Elizabeth oo dhici doona berrito Isniinta

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka halkaasoo uu kulamo kula soo yeeshay madaxda dalkaas qaarkood iyo jaaliyadaha Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in duugta Queen Elzabeth II kadib uu kusoo laabto dalka Maraykanka, isaga oo imanaya magaalada New York oo uu kaga qaybgeli doonto shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxda kale ee ku sugan London waxaa kamid ah, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweynaha Hindiya, ra’iisal wasaarayaasha dalalka Canada, Australia iyo Newzealand.