Xassan Shiikh oo shacab fara badan kula tukaday Masjidka Isbaheysiga +Sawirro

100

Madaxweynaha JFS, Xassan Shiikh Maxamuud Gudoomiyaha baarlamanka Xildhibaano ka tirsan labada aqal, Wasiiro iyo dadweyne aad u tira badan ayaa maanta kula tukaday salaada ciidul fitriga masjidka isbaheysiga Islaamka

Xassan shiikh ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Fidriga, asigoo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo ku howlan xaqiijinta amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan taakuleynta dadka danyarta ah, isaga oo Alle ka baryey in uu dalkeenna ka yeelo nabad iyo barwaaqo.
Amaanka masjidka Isbahaeysiga ayaa si weyn loo xoojiyey, iyadoo ciidamo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman la dhigay jidadka soo gala masjidka oo ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Sidoo kale kumanaan qof oo masjidkaas ku soo qulqulayey illaa saaka ayaa si weyn loo baarayey inta aysan masjidka gelin ka hor.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Somalia ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.