Xawaaladaha oo laga mamnuucay inay isticmaalaan magaca Somaliland

93

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa soo saartay amar ay ciwaan uga dhigtay “ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Amarkaan ayaa ku socda shirkadaha , , .

Shirkadahaan ayaa adeegooda ku bixiya magaca Somaliland, iyagoo muujinaya inay u aqoonsan yihiin dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya, taasi oo ka careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xawaaladaha iyo shirkadaha ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa inay joojiyaan xadgudubka lidiga ku ah gobanimada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka saaraan mareegaha iyo hababka kale oo ay isticmaalaan magaca Somaliland, kuna koobaan kaliya magaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Wasaarada ayaa shirkadahaas u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka