Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland oo ujawaabay Farmaajo +VIDEO

1562

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay dalabkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in si shuruud la’aan lagu sii daayo xubno ka tirsna dhismaha Wadada Boosaaso oo Khamiistii la soo dhaafay la xiray.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa sheegay in xubnahaas ay ku xadgudbeen sharciga u degsan Puntland, ayna yihiin dad la tuhunsan yahay oo ay Maxkamad xirtay.

“Dadka xiran waa muwaadiniin la soo eedeeyay Maxkamad ayaana la tiigsan doonaa,hadii dambi lagu waayana waa la siideyn doonaa, laakin cid ka hadli karto ma jirto horay ayaa dad loo xiri jiray dalkana sharci ayuu leeyahay cid soo faragelin kartana ma jirto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in cid kasta uu sharciga ka sarreeyo, isla markaana aysan ka hadli karin Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, ayna sii deyntooda ay go’aan ka gaari karo oo kaliya Maxkamad.

Xiriir shalay khadka taleefanka ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni ayaa waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan sii deynta xubnaha ku xiran Boosaaso.